Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Degmo oo si aan caadi aheyn u difaacay maleeshiyaadka al-Shabaab (Sidee ayuu u difaacay)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa beeniyay wararka sheegaya in gudaha Degmada lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay been abuur tahay in gudaha degmada lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in wararkaasi been abuurka ah ay baahiyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta, hase ahaatee ka maamul ahaan aysan kawarqabin halka lagu dilay maleeshiyaadka al-Shabaab.

‘’Waa been abuur ma arag goob lagu dilay xubno ka tirsan al-Shabaab, Saraakiisha amaanka iyaga ayaa iska sheegtay dilka xubnahaasi, waxaanse cadeynayaa inaanu jirin xubno ka tirsan Shabaab oo lagu dhex dilay degmada’’

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada waxa uu sheegay in liiska ay Saraakiisha ciidanka xoogga usoo gudbiyeen uu ka koobnaa Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur (Faruur) oo ay Saraakiishu dileen, hase ahaatee uu beeniyay Guddoomiyaha.

Sidoo kale, Saraakiisha ciidamada xoogga ee ka howlgala Degmada ayaa sheegay in Guddoomiyaha Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose, uu difaacayo  maleeshiyaadka al-Shabaab.

Saraakiishu waxa ay sheegen in Guddoomiyaha Degmada ay wada shaqeyn kala dhexeyso al-Shabaab, hase ahaatee maamulka laga doonaayo inay wax ka qabtaan xadgudubyada uu wado Guddoomiyaha.

Dhankale Gudoomiyaha degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow oo dibad joog ka ah degmada uu ku magacaaban yahay ayaa tilmaamay in uu wado qorshe uu ku gaaraayo degmada Kuntuwaarey.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Guddoomiye Degmo oo si aan caadi aheyn u difaacay maleeshiyaadka al-Shabaab (Sidee ayuu u difaacay) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this