Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah oo la filayo markii ugu horeysay inay si wadajir ah uga faa’idaystaan kheyraadka kalluumaysiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah ayaa markii ugu horreeysay la filaya si wadajir ah inay uga faa’ideystan dakhliga ka soo xaroodda bixinta rukhsadaha Kalluumaysiga, bangiga dhexe ayay lacagta ku soo dhacaysa iyadoo kaddibna ay dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada si afgarad ah ku qeybsan doonan, sida u xaqiijiyay wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya, Cabdiraxman Maxamed Cali Xaashi oo VOA-da la hadlay.

10 February ayaa shir ka dhacay Muqdisho waxaa ku heshiiyay qeybsiga dakhliga ka soo xaroodda bixinta rukhsadaha Kalluumaysiga dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana go’aan lugu gaaray dhaqaalaha halka ka soo xoroonnaya in wax looga qabto amniga iyo in dhaqaalaha waddanka lugu kabo.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa haysata kheyraadka ugu badan xagga badda, maadaama ay leedahay dhul xeebeedka ugu balaaran Soomaaliya, taasoo haddii si wanaagsan looga faa’idaysto wax badan ka tari karta horumarka Puntland.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this