Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Wasaarada Haweenka Puntland Oo lagu eedeeyay in ay ka gaabisay Wax uqabashada Gabadhii lagu kufsaday Degmada Galdogob 2 Sano ka hor

Recommended Posts

Deeq A.   

Abaaha dhalay Gabar  14jir ahayd  oo lagu magacaabo  Saxardiid C/laahi Cismaan oo 2 sano ka hor kufsi wadareed loogu gaystay Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug  ayna kafaale qaaday Mas,uuliyada qoyska gabadhaasi  kufsiga loo gaystay iyo daryeel keedaba Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee dowladda Puntland ayaa  waxa uu sheegay Aabahan dhalay gabadhan in mudo 2 sano ah aysan  ka helin dowladda Puntland iyo Wasaaradaba  gaba dhiisa wax daryeel ah, taas oo horay loogu balan qaaday .

 

Waxa uu sheegay in Wasiirada Haweenka iyo arimaha Qoyska ee Puntland Maryan Axmed Cali  uu mudo Abar bilood ah ka daba wareegayay lacag uu Madaxweynaha Puntland ugu balamiyay in ay siiso Qoyska dhibanaha , taas oo uu markiidambe uu sheegay in kala bar lacagtaas uu helay mudo kadib markii uu rafaad iyo silic uu ka maray raadinteeda .

 

Wasiirka Haweenka ee Puntland D.r Maryan Axmed Cali oo dhawaan Waraysi gaar ah siisay idaacada BBCda laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa  ay ku sheegtay in mudo 2 sano ah Qoyskaasi ay Wasaaradeeda gacanta ku haysay daryeel kooda  ,Waxbarashadooda , Caafimaadkooda iyo masaariiftoodaba , taas oo uu beeniyay Abaaha dhalay gabadhan kufsiga loo gaystay.

 

Aabe Saxardiid C/laahi  ayaa sheegay in mudadaasi  labada sano ah Ay san helin gabadhooda wax daryeel ah haday ahaan lahayd mid Caafimaad , mid dhaqaale  iyo mid wax barasho toone, wuxuuna intaasi hadalkiisa sii raaciyay in laguba haysto kiradii guriga ay ka daganaayeen Magaalada garowe iyo korontadii.

Halkan ka dhagayso  Aabe Saxardiid C/laahi Cismaan .

      Saxar diid

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this