Deeq A. Posted March 12, 2018 Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucay Shirkada DP World ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta. Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadiray 170 Xildhibaan,168 Xildhibaan ayaa ogolaaday in dalka laga mamnuuco Shirkada DP World halka 1 Xildhibaan uu diiday, waxaana ka aamusay mudane kalena. Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dalka laga mamnuucay Shirkada DP World ee lagu eedeeyay in dalka ay ku soo xadgudubtay. Sidoo kale waxaa Baarlamaanku ay laaleen heshiiskii ay shirkadaasi la gashay maamul Goboleedyada Dalka ka Jira. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Shirkada DP World oo dalka laga mamnuucay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites