Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhagayso:-+Sawirro Dufcadii 6aad Oo ka Qalin badalatay Jaamacada Badda Cas Bosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafladda Qalinjabinta ee 6aad ee Jaamacadda Badda Cas ayaa ka dhacday hoolka Jaamacadda 11/03/2018, xafladaan oo ay ku qalinjabinayeen arday garaysa 149 arday ayaa isugjiray Kuliyaddaha kala ah:

  1. Shareecadda iyo Qaanuunka
  2. Waxbarashada
  3. Maamulka iyo Dhaqaalaha
  4. Culuumta Caafimaadka
  5. Xanaanadda Xoolaha

Xafaladda oo ay ka soo qayb galeen marti sharaf kaladuwan kuwaas oo isugujira Maamulka sare Jaamacadda, ardayda qalinjabiyaasha, Masuuliyiinta dowladda, Ururada Bulshadda Rayidka ah, Aqoonyahano, Culumaa’udiin, Isimo, Ganacsato, Waheenka iyo Dhalinyada.

Gudoomiyaha Jaamacadda Badda Cas Prof. Cabdullahi Sheekh Xasan ayaa u hambalyeeyey ardayda qalinjabiyaasha waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay munaasabadaan wayn ee qalinjabinta, sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu ka warbixiyey Jaamacadda maraaxishii ay soo martay iyo waxyaabaha ay hiigsanayso waxa uuna ugu damabayntii umahadceliyey kasoo qaybgalayaashii iyo waalidiintii ardayda soo barbaarisay.

Sidoo kale waxaa xafladda kalmado ka jeediyey martisharaf kala duwan oo ay kamid ahaayeen Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibarahim Maxamed Mursal, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje yasin, Duqa degmada Bosaso ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari Axmed Cali Cabdullahi iyo senetor ka tirsan aqalka sare ee dowladda federalka Soomaaliya senetor Botan Bare Samatar waxa ayna dhamaantood u hambalyeeyeen ardayda qalinjabinaysay.

Xafladaan ayaa ahayd mid si heer sare loosoo agaasimay taas oo ay dhamaan ka soo qayb galayaashii xadladda la qayb sadeen qalinjabiyaasha dareenkooda waxa ayna u rajeeyeen mustaqbal wanaagsan.

Gabagabadii ayaa ardayda la gudoonsiiyey shahaadooyinkooda sidoo kale ardaydii kaalmaha galay ayaa la gudoonsiiyey shahaado sharaf.

Hadaba halkan ka dhagayso Warbixinta.

      Warbixinta jaamacada badacas Bosaaso

Sawirorro .

0Z9A7052.jpg 0Z9A7073.jpg 0Z9A7126.jpg 0Z9A7127.jpg 0Z9A7132.jpg 0Z9A7145.jpg 0Z9A7166.jpg 0Z9A7171.jpg 0Z9A7179.jpg 0Z9A7183.jpg 0Z9A7194.jpg 0Z9A7204.jpg 0Z9A7210.jpg 0Z9A7232.jpg 0Z9A7301.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this