Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada oo weerartay Saldhig ay al-Shabaab ku dhex laheyd magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo aad u hubeysnaa ayaa weerar xoogan ku qaaday Saldhig qarsoodi ah oo maleeshiyada al-Shabaab ay ku lahaayen degmada Kaxda.

Ciidamada dowlada oo watay ku dhawaad Shan gaari nooca dagaalka ayaa weerar Seddex jiho ah ku qaaday Saldhiga ay ku dhuuman jireen maleeshiyaadka oo falal amni darro ka geysan jiray Degmada.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa waxaa qaaday Ciidamo uu horkacayay Taliyaha Nabad Sugidda degmada Kaxda, waxa uuna weerarka daba socday dil shalay degmada loogu geystay Askari ka tirsan ciidamada maamulka.

Saldhiga maleeshiyada ee weerarka lagu qaaday ayaa ku yaalla Qabuuraha degmada Kaxda ee loo yaqaano Boqolka Boos, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab.

Ciidamada dowlada iyo kuwa al-Shabaab ayaa halkaa ku dagaalamay muddo ku dhow hal saac, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Al-Shabaab ayaa weerarka looga dilay ilaa Seddex maleeshiyo, halka ciidamada dowlada laga dhaawacay laba Askari oo midi uu yahay garaab, sida laga soo xigtay Saraakiisha ciidamada.

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacay dagaalka oo mararka qaar leysu adeegsanaayay Hubka waaweyn, waxaana halkaa lagu soo qabtay Hub ay isticmaalayeen maleeshiyada.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili ay maleeshiyada al-Shabaab caadeysteen fulinta weeraro iyo dilal joogta ah oo ay ka geystaan Degmada Kaxda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

The post Dowlada oo weerartay Saldhig ay al-Shabaab ku dhex laheyd magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this