Sign in to follow this  
Deeq A.

Norway oo diiday in dalkeeda lagusoo galo Passport-ka Soomaaliga ee dibumaasiga ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Norway ayaa diiday ino dalkeeda lagusoo galo Passport-ka Diblumaasiga ee ay qaatan siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaalida ee dalkaasi u taga casuumaada iyo booqashada rasmiga ah.

Tilaabadaan ayaa ka dambeysay kadib markii dowladda Norway oo dhawaan guddi u dirtay Soomaaliya ay kusoo ogaadeen inaanan lagu kalsoonaan karin qaabka loo bixiyo Passport-ka Soomaaliya ee diblumaasiga ah, taasoo keentay inaan Norway laga aqbalin.

Dowladda Norway waxay sheegtay inya si hoos ula socoto horumarka ay hay’addaha socdaalka ka sameynayaan dhanka bixinta Passport-, waxayna cadeysay Soomaaliya inaysan weli gaarin heer kalsooni buuxda lagu siin karo.

Norway waxay sheegtay inay aqoonsan tahay Passport-ka Soomaaliya, dalkeedana lagusoo gali karo, balse waxay diidan tahay in dublimaasiga iyo dekumantiyo kale dalkeeda lagusoo galo.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this