Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda socdaalka dowladda federalka Soomaaliya oo albaabada isugu dhufatay xaruntii qaadashada Paspoort-ka Soomaalida ee Garowe ku furmayd.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska laga qaato Baasboorka Soomaaliya ee kuyaala Garowe, ayaa ku eedeeyay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya in albaabada isugu laabtay xafiiskoodii, kaasoo dadka ku dhaqan Puntland iyo Soomaaliland ufududayan jiray adeegga qaadashada Passport-ka.

Arrintaan ayaa saameyn xoogan waxay ku yeelatay boqolaal qof oo isaga kala yimid gobolada Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo Garowe u yimid inay Passport- helaan, laakiin dadkaan waxaa loo sheegay inuu xafiisku xiran yahay oo uusan wax adeeg ah bixin karin.

Lama garanayo ujeedada ka dambeysa arrintaanka, kaasoo mudo dheer si madax bannaan ugu shaqeynsan jiray inuu dadka ufududeeyo qaadashada Passport-ka Soomaalida, marka ay buuxiyaan sharuudaha socdaalka iyo jinsiyadaha.

Sarkaal ugu sareeya xafiiskan oo ay warbaahintu wareysatay ayaa sheegay in laga dansaday Daatooyinka ay ku shaqeynayeen islamarkaana laga qaban waayay taleefoonadii madaxda Xamar joogta, waxaana uu sheegay in si fool xun loola dhaqmay.

Warsidaha Puntlandi oo baaritaan dheer raadiyay ayaa ku ogaaday inuu jiro qorshe heshiis dhexmaray bay’adda socdaalka Puntland iypo hay’adda dowladda federalka, kaasoo ku saabsan in xafiiska bixinta Passport-ka loo raro dhismaha cusub ee xarunta socdaalka Puntland.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this