Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Gudoomiye Yariisow ” Oo Shaqadii ka Ruqseeyay Agaasimihii Waaxda Farsamada Ee Dowladda Hoose Ee Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah shaqaalihii ka tirsanaa dowladda hoose ee Xamar ayaa maanta shaqadii laga ruqseeyay kadib markii lagu helay dambi ah in ay bixiyeen oo ay soo calaamadiyeen  dhul aan lagu bixin sifo sharciga waafaqsan.

 

Warqad ka soo baxday maanta Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Injineer C/raxmaan Cumar Yariiso ayaa waxa uu  shaqadii ka ga joojiyay  Agaasimihii waaxda farsamada ee dowladda hoose ee Xamar, iyo qaar kamid ah shaqaalihii xafiiskiisa ka howlgali jiray.

 

Gudoomiyaha ayaa markii uu xilka lawareegay waxa uu wacad ku maray in uu talaabo ka qaadi doono cidkasta oo ku kacda falal laxiriira dhulboob iyo in si sharci daro ah lagu caalaamadiyo  dhul ay cidkale leedahay oo aysan dowladda ogayn.

 

Go,aanka ka soo baxay maanta Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa Warbaahinta u aqriyay Xoghayaha Maamulka Gobolka Banadaair.

Halkan ka dhagayso.

      120105_001 - My Recording

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this