Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo noqoneysa maamulkii ugu horeeyay ee al-Shabaab u qiray awood ‘’Maxaa soo kordhay’’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka HirShabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in maamulka HirShabelle ay gacan ka taagteen difaaca maleeshiyaadka al-Shabaab.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in maamulka ay ku adag tahay inuu iska difaaco maleeshiyaadka al-Shabaab, sababo la xiriira weerarada tooska oo sii kordhaaya.

‘’Waxaan halkaan ka xaqiijinayaa in maamulka uu gacan ka taagay xaalada amni ee deegaanada HirShabelle, waxaan dowlada Federaalka u sheegeynaa inaanu jirin jawaab aanu ka bixin karno weerar waliba oo nooga imaada dhanka al-shabaab’’

Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre, waxa uu hoosta ka xariiqay in maamulka Hirshabelle uusan wax awood ah u heynin xalinta dhibaatada amni ee deegaanada maamulka ka jirto isagoona madaxda dowladda Federaalka Somalia ugu baaqay in xili hore wax laga qabto dhibaatada jirta.

Waxa uu sheegay in al-Shabaab mudooyinkii dambe ay dhibaatooyin ka geysanayeen inta u dhaxeysa wadooyinka Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar sidoo kale wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in wadooyinkaas bilooyin ka hor si amni ah ay Xildhibaanada iyo madaxda Hirshabeelle u isticmaalayeen balse hada ay ka jirto  qataro amni iyo weeraro u badan qaraxyo oo al-Shabaab ay ka geystaan.

Si kastaba ha ahaatee hadalka Guddoomiyaha waxaa uu imaanaya Xili maalinba maalinta ka dambeysa ay ii kordhayaan weerarada Alshabaab ay ka geystaan deegaanada Maamulkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post HirShabelle oo noqoneysa maamulkii ugu horeeyay ee al-Shabaab u qiray awood ‘’Maxaa soo kordhay’’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this