Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo shaaciyay cida ay ku xirantahay Nabada iyo Dowladnimada Somalia  

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Somalia ay kasii baxeyso dhibaatooyinkii ay kusoo jirtay sanado badan kadib burburka dowladii uu Hoggaaminaayay Siyaad Barre.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay inay u muuqato in shacabka Soomaaliyeed ay bislaadeen isla markaana xiligaan u baahan yihiin inay helaan Nabad iyo Nolol ku filan.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee al-Shabaab dhibaato ku hayaan qaranimada Somalia loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka lagula  jiro.

‘’Waxaan halkaan ka qirayaa in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo u jilicsan nabada, waxaa hortaagan keliya maleeshiyaadka nabadiidka ee u taagan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee sanadaha badan kusoo dhex jiray dagaalka’’

‘’Waxaan qireynaa in al-Shabaab ay hortaagan tahay dowladnimada Somalia iyo nabad ka dhalata dalka oo dhan, sidaa aawgeed waxaan shacabka fareynaa inay iska qabtaan Shabaabka’’

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo cod dheer ku sheegay in Nabada iyo Nolosha Umadda Soomaaliyeed aysan aheyn mid ku xiran shacabka Soomaaliyeed, balse waxa uu taa bedelkeeda sheegay inay ku xiran tahay al-Shabaab oo mar waliba u tagan daadinta dhiiga shacabka aan waxba galabsan.

Waxa uu Farmaajo shacabka Soomaaliyeed xusuusiyay in adduunka ay ka hortageen maleeshiyaad ka meyl adag al-Shabaab sida Daacish, hase ahaatee adduunka ay u midoobeen ugu danbeyntiina laga tiray adduunka intooda badan.

Waxa uu tilmaamay in al-Shabaabka looga hortagi karo keliya shacabka Soomaaliyeed oo bixiyaan canshuuraha Dalka si looga maarmo ku tiirsanaashaha kaalmada shisheeye dowladuna u bixiso qarashaadka Ciidamada Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay khudbad taariiqi ah oo taabanaysa dhinacyo kala duwan kuna saabsan xaaladda guud ee Dalka ka hor jeediyay kalfadhigii sedexaad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaaso ahaa dastuuri.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Farmaajo oo shaaciyay cida ay ku xirantahay Nabada iyo Dowladnimada Somalia   appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this