Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo 6 kamid ah wasiiraddiisa oo socdaal ku tagaya Qadar.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda federalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagaya dalka Qadar, horaanta todobaadka soo socda.

Waxaa booqashadaan madaxweynaha ku wehlidoona lix wasiir oo kamid ah golihiisa xukuumada iyo ganacsato, sida uu warsidaha Puntlandi xogta ku helay.

Socdaalka Doxa ayaa kusoo beegmidoona waqti uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya dowladda federalka iyo Imaaraatka Carabta.

Waa socdaalkii labaad oo uu ku tagidoono dalka Qadar, oo lagu tilmaamo saaxiibka dhow ee dowladda federalka Soomaaliya.

Bishii May ee sannadki hore ayay ahayd markii ugu horeysay ee dalkaas booqdo isagoo madaxweyne ah, waxaana uu lasoo saxiixday heshiisyo horumarineed oo aan weli waxba ka fulin.

Dalka Qadar oo cadaadis xoogan uu ka saaran yahay dhinaca Khaliijka ayaa doonaya inuu saaxiibo  iyo xulufaysi ka dhigto waddamo badan oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Puntlandi.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this