Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Maamulka Somaliland oo hakiyay wada hadaladii ay la gali lahaayeen dowladda federallka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Haregysa (Puntlandi) Maamulka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inay hakiyeen wada hadaladii dalka Jibuuti ku dhexmari lahaa iyaga iyo dowladda federalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibada Sacad Cali Shirre.

Wasiirka arrimaha dibada ayaa tilmaamay inay meesha ka baxday daruuftii saamixi lahayd in lawada hadlo, inkastoo uu cadeeyay in aysan go’aan kama dambeys ah ka qaadan wada xaajoodka.

Sacad Cali Shirre, ayaa hadalkiisa kusii xoojiyay in muddo bil kadib la eegidoono in la wada hadli karo, haddii ay macquuql noqoto.

Ma sheegin sababta ay u hakiyeen wada hadalada, hase yeeshee warsidaha Puntlandi ayaa fahamsan in Khilaafka ka dhashay heshiiska dekeda Berbera uu saameyn xoogan ku yeeshay wada hadalada Jibuuti loo ballansanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this