Sign in to follow this  
Deeq A.

(Sawirro) Wasaaradda shaqada Puntland oo furtay shirka doorashada gudoomiyaha iyo kuxigeenka PYAN

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Puntland ayaa maantay furtay shir looga hadlayo doorashadda gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka dalladda dhalinyaradda Puntland ee PYAN.

Shirka ayaa looga hadlayaa ansixinta iyo wax ka badalka xeer hoosaadka dalladda dhalinyaradda puntland iyadoona sidookale la lagu shaaciiyey shuruudaha laga doonayo musharaxiinta iyo qaabka ay doorashadu u dhacayso.

shirka ayaa waxaa  kasoo qaybgalay boorka dalladda dhalinyada puntland,gudoomiyayaasha dhalinyarada gobaladda Puntland,Daladda Punsa,Hay,adda Care iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha Puntland.

Gudoomiyaha guddiga doorashadda dallada dhalinyaradda Puntland Cabdikariin Maxamuud Axmed ayaa u jeedada shirka faaffaahin ka bixiyey,waxaana uu sheegay in loogu diyaar garoobayo doorashada Gudoomiyaha iyo kuxigeenka dalladda dhalinyaradda Puntland.

Kuxigeenka Madaxa hay,adda Care intional ee Puntland Asli Axmed Maxamed ayaa ku boorisay guddiga doorashada inay u xaq sooraan musharaxiinta tartamaya,waxaana ay intaa ku dartay in dhalinyaradda Puntland ay tusaale u yihiin dhalinta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Waaxda dhalinyaradda iyo ciyaaraha  wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Deeqo Jaamac Ciise ayaa bogaadisay dhalinyaradda Puntland sida ay  ugu howlan yihiin qabashadda doorashada Gudoonka iyo Ku xigeenkiisa.

Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa soo qabanqaabisay shirkaan waxaana Wasaaradu ay dadaal ku bixisay sidii dhalinyaradda Puntland ay u gaarsiin lahayd horumar.

Daawo Sawirro.

IMG_0402.jpg IMG_0405.jpg IMG_0409.jpg IMG_0412.jpg IMG_0414.jpg IMG_0418.jpg IMG_0421.jpg IMG_0424.jpg IMG_0427.jpg IMG_0431.jpg IMG_0435.jpg IMG_0438.jpg IMG_0439.jpg IMG_0441.jpg IMG_0453.jpg IMG_0457.jpg IMG_0459.jpg IMG_0462.jpg IMG_0464.jpg IMG_0476.jpg IMG_0482.jpg IMG_0488.jpg IMG_0492.jpg IMG_0493.jpgP

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this