Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:Juxaa oo umadda reer Puntland ugu baaqay in ay midnimadooda iyo amnigooda ilaashadan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Mudane. Juxaa ayaa ugu horrayn dadweynaha reer Puntland ugu baaqay in ay ilaashadan amniga,wadajirka iyo isku duubnidooda,isagoo xasusiyay dhibaatada umadda reer Puntland soo martay ka hor intaan dhidibada loo taagin dowladda Puntland oo uu ku tilmaamay”geed la harsado oo caleen leh oo lagu nastay laguna baraaray”.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadkii as-aasay dowladda Puntland ee ka koobnaa hoggaanka dhaqan iyo kan siyaasadeed ay horseedeen iftiin qurux badan oo u soo baxay dadweynah reer Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Siyaasi Juxaa ayaa dhinaca kale soo dhoweeyay hadalkii madaxweyne Gaas ee ahaa in doorashada madaxtinimada  Puntland lagu qaban doono xilligeeda.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran.

PUNTLAND POST

The post Daawo:Juxaa oo umadda reer Puntland ugu baaqay in ay midnimadooda iyo amnigooda ilaashadan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this