Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda Soomalaiya Oo lawareegay Deegaanka Gamboole Ee Gobolka  Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka  Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta Ciidamada dowladda Fadaraalka soomaaliya ay la wareeheen degmada Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar .

 

Al-shabaab oo horay gacanta ugu hayay  degmada Gambeele ayaa isga baxay degmada kadib markii ay  ogaadeen in Ciidamada Danab ay ku soo wajahan yihiin degmada  Gamboole.

 

Majirin wax dagaal ah oo halkaasi ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka Gamboole , waxayna Al-shabaab degmadaasi u ahayd xarun ay dadka kukala xukumaan oo ay ku qaadi jireen waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka.

 

Al-shabaab ayaa Ganacsatada Jowhar dhawaan ku balamiyay degmadan in ay isugu yimaadaan si ay iskula meel dhigaan bixinta waxa ay ugu yeereen Zakawaadka.

Dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka qaba in ay Al-shabaab soo qaadaan duulaan xoogan oo ay markale gacanta u gasho degmada Gamboole ,taas oo markale  dadka degmadaasi caqabad ku noqon doonta .

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa horay loogu bartay in marka ay meel la wareegaan in ay dubadiiba  ay isaga baxaan  ,oo ay dib ugu soo laabtaan kooxda Al-shaabaab.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this