Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo maanta si balaaran loogu sameeyay Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, federalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federalka Soomaaliya Cabdifaarax Faarax Siciid Juxa, ayaa maanta si balaaran loogusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Dadweyne aad u tiro badan iyo masuuliuyiin kala duwan ayaa siyaasigaan kaga hortagay garoonka diyaaradaha ee Garowe, halkaasi oo uu saacad kahor kasoo dagay, isagoo ka yimid dhinaca Nairobi.

Waa socdaalkii ugu horeysay ee uu ku yimaado Garowe tan iyo markii laga qaaday xilkii wasiirka arrimaha gudaha, bishii January horaanteedii, isagoo wixii intaas ka dambeeyayna socdaalo ku marayay Kismaayo, Muqdisho iyo Nairobi.

Socdaalkaan Juxa oo umuuqday socdaal siyaasadeed,  ayaa haatan wuxuu warbaahinta u qabanayaa shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo soo laabashadiisa Garowe iyo wararka ku saabsan inuu yahay musharax 2019 u taagan xilka madaxtinimada.

Siyaasigaan ayaa maalmihii ugu dambeeyay kasoo dhexmuuqda siyaasiyiin la magac baxday Puntland Focus group, kuwaas oo u midoobay dannaha doorashada 2019.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this