Sign in to follow this  
Deeq A.

kalfadhiga Seddexaad ee BFS oo maanta furmaaya & MD Farmaajo oo Khudbad ka jeedin doona

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo kalfadhiga Seddexaad ee labada Gole baarlamaanka Somalia.

Baarlamaanka ayaa fasax galay 16-kii December sanadkii tagay ee 2017, tan iyo xiligaas waxa ay xildhibaanada ku maqnaayeen Deegaan doorashadooda.

Xarunta ay ku shiraan xubnaha Golaha shacabka ayaa lagu wadaa in ay isugu tagaan xubnaha Aqalka sare iyo kuwa Golaha shacabka.

Kalfadhiga baarlamaanka ayaa waxaa sida sharciga ah furaya Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Khudbad u jeedin doona Xildhibaanada.

Amniga xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay aad loo adkeeyay, waxaana halkaa tuban ciidamo farabadan oo aad u hubeysan, iyadoo lagu wado in uu furmo kal fadhiga Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale,baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla qodobo badan, sidda dhameystirka Sharciyadda muhiimka ah ee dalku u baahan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post kalfadhiga Seddexaad ee BFS oo maanta furmaaya & MD Farmaajo oo Khudbad ka jeedin doona appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this