Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Danab oo awood kula wareegay deegaan uu shir uga furmi lahaa al-Shabaab & Ganacsatada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada aadka u tababaran ee Danad ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Gamboole ee duleedka magaalada Jowhar.

Ciidamada Dana doo ka tirsan Militeriga Somalia ayaa deegaankaasi kula wareegay dagaal ay la galeen maleeshiyaadka al-Shabaab oo deegaankaas ka ariminayey.

Ciidamadan oo aad u hubeysnaa ayaa saaka aroortii ku jarmaaday deegaanka Gamboole xili ay maleeshiyaadka al-Shabaab ahaayen kuwo kala daadsan waxa ayna dhowr jiho uga qaaden duulaan lasii qorsheeyay.

Ciidamadan maleeshiyada al-Shabaab kala wareegay deegaanka Gamboole, ayaa Gobolka Shabellaha Dhexe ka sameystay fariisimo muddo laga joogo laba asbuuc ka hor, waxaana iminka u suuragashay inay la wareegaan deegaanka.

Deegaanka Gamboole oo ay la wareegen ciidamada Danab ayaa waxaa lagu waday in saacado kadib uu ka dhaco shir ay maleeshiyaadka al-Shabaab kula lahaayen Ganacsatada magaalada Jowhar.

Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa ganacsatada kala hadli lahaa arrimo la xariira canshuur ay Shabaab ka doonayaan Ganacsatada.

Dhinaca kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa iminka ku sugan deegaan duleedka ka ah deegaanka Gamboole, waxaana laga cabsi qabaa in maleeshiyada ay mar kale qaadan duulaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

The post Ciidamada Danab oo awood kula wareegay deegaan uu shir uga furmi lahaa al-Shabaab & Ganacsatada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this