Sign in to follow this  
Deeq A.

C/kariin Guuleed: “Lama aqbali karo in dowlado shisheeye ay meel uga dhacaan karaamada Madaxweyne Farmaajo..”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka mid noqday siyaasiyiinta difaacay madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay in dad qarsoon oo Imaaraadku soo diray ay olole dhinaca baraha bulshada ah ku qaadeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

C/kariin Guuleed ayaa sheegay in Madaxweye Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dadka Soomaaliyeed doorteen, isla markaana uu mudan yahay sharaf iyo ixtiraam maadaama uu huwan yahay haybaddii iyo qaranimadii umadda Soomaaliyeed.

“Haddaba marnaba lama aqbali karo in dowlado shisheeye ay meel uga dhacaan karaamadiisa, sharaftiisa iyo haybaddiisa intaba, wixii khilaaf ama kala aragti duwanaasho ah qaabab kale oo lagu xaliyo ayaa jiri karta..” ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Soomaali badan ayaa ku biirtay ololaha ka socda baraha bulshada oo ku saabsan madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn u difaacay dowladda iyo madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post C/kariin Guuleed: “Lama aqbali karo in dowlado shisheeye ay meel uga dhacaan karaamada Madaxweyne Farmaajo..” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this