Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Jawaari oo guddoomiyayaasha barlamaanada dowlad goboleedyada ku casuumay kalfadhiga barlamaanka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa guddoomiyayaasha barlamaanada dowlad goboleedyada ku casuumay kalfadhiga 3-aad ee barlamaanka Somalia, oo maanta Muqdisho ka furmaya.

Waa markii ugu horeysay oo ay guddoomiyayaasha barlamaanada dowladdaha xubnaha dowladda federalka ka qeyb galaan  furitaanka kalfadhiga barlamaanka federalka.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi, ayaa arrintaan ku tilmaamay guud laga gaaray midnimada Soomaaliya. Waxaa la filayaa inay guddoomiyayaashu cod ku yeeshaan kalfadhiga oo la filayo inuu maanta furo madaxweynaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this