Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya Kalfadhiga Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo taariikhdu ku beegantahay 10-March daah furaya kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa ku maqnaa fasax  galay 16-kii Bishii December Sanadkii tegay ee 2017 waxaana xildhibaanadu qaarkood ku maqnaayeen dalka dibadiisa halka qaar kalena ay ku sugnaayeen gudaha dalka.

Daahfurka kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka ayaa ka dhici doono xarunta tababrka ciidamada Booliska ee General Kaahiye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qudbad dheer ka hor jeedin doono Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida warar aan helnay ay sheegayaan madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaadi doona heshiiska Dekeda Ber Bera ee Soomaaliland.

Kalfadhigaan 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah mid xasaasi ah waxaana Xildhibaanada la hor geeyn doonaa Mooshin ku aadan heshiiska Dekeda Ber Bera.

ugu dambeeyntii ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa aad u adkeeyay amaanka Muqdisho waxaana xusid mudan in la xiray qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

 

The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya Kalfadhiga Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this