Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo liiska argagixisada ku daray 2 xubnood oo ka tirsan al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen wakaaladaha caalamka Dawladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay laba xubnood oo ka tirsan Hoggaanka sare xagjiriinta Somalia ee al-Shabab.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in labadan xubnood ay u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxayna kala yihiin Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay labadaas xubnood ay halis weyn ku yihiin amniga muwaadiniinta Maraykanka, amniga qaranka Maraykanka, Siyaadadda arimaha dibedda iyo Dhaqaalaha Maraykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay in  xukuumadda Washinton cuna-qabatayn kusoo rogtay labada xubnood ee xilalka muhiimka ah ka haya Hogaanka Xagjiriinta Somalia ee al-Shabaab.

Dowladda Maraykanku waxay sheegtay in Sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi,  iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay al-Shabab.

Abuubakar Cabdi, waxaa kale oo loo aanaynayaa inuu ku lug lahaa weerraradii ay dadka badan ku dhinteen ee 2014-ka ee lagu qaaday degaanka Mpeketoni ee Dalka Kenya, halkaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 60 Qof.

Dhinaca kale, Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in shaqsiyaadkaas aysan sameynkarin wax dhaqdhaqaaq ah, isla markaana lagu qabandoono meel waliba oo lagu arko.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Mareykanka oo liiska argagixisada ku daray 2 xubnood oo ka tirsan al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this