Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Dadka Soomaaliyeed oo si weyn uga falceliyey aflagaadadii qaawaneyd oo ay Imaaraadka kusoo qaaday Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Imaaraadka Carabta ayaa dagaal dhinaca baraha bulshada ah ku furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo kadib markii ay dowladda Soomaaliya si cad uga hor timid xadgudubka ay Imaaraadka ku sameysay jiritaanka Soomaaliya.

Dagaalkan oo intiisa badan ka socda Twitter-ka ayaa koox askar dhinaca internetka ah oo la sheegay in Imaaraadka uu kireystay ay bilaabeen inay furaan baro lagu aflagaadeeyo madxaweynaha Soomaaliya.

Barahan ayaa abuuray haldhigyo ama Hashtag ay ka mid yihiin in la rido madaxweyne Farmaajo, inuu Soomaaliya u yeelay weji xun oo macaluul ah inuu la safan yahay Dalka Qatar iyadoo la adeegsanayo sawirro muujinaya Soomaali macaluulsan.

Dagaalkan ayaa waxaa kashifay iyadoo la adeegsanayo luqadaha ingiriiska iyo Carabiga, waxayna Farmaajo ku sifeeyeen qaarkood Daalim iyo ereyo kale oo kasii fool xun, waxaana Imaaraadku u muuqdaa inuu ka quustay taageero uu ka helo madaxda sare ee dalka si uu ula wareego ilaha dhaqaalaha dalka, taasoo ku kaliftay inay dagaal u caddeystaan.

Haddaba waxaa arrintaas si weyn uga hor yimid Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadda Soomaaliya, waxaana baraha Bulshada Soomaaliya ka bilowday falcelin aad u weyn oo looga soo horjeedo dagaalka qaawan oo ay Imaaraadka Carabta bilowday.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan dowladda Farmaajo ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegay inaysan aqbali karin in Imaaraadka Carabta  ay aflagaado u geysato madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna yiri

” Ma aqbali karno in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, waana inaan meel uga soo wada jeesanaa”

Halkaan hoose ka akhriso qaar kamid ah dadkii aflagaadada Imaaraadka ka falceliyey:

mahad-Salaad.png?resize=500%2C585&ssl=1\

bashiir.png?resize=507%2C230&ssl=1

 

2-2.png?resize=491%2C594&ssl=1 aflagaado.png?resize=491%2C594&ssl=1 aflagaado2.png?resize=485%2C544&ssl=1

twitter.png?resize=582%2C617&ssl=1

 

 

The post Sawiro: Dadka Soomaaliyeed oo si weyn uga falceliyey aflagaadadii qaawaneyd oo ay Imaaraadka kusoo qaaday Madaxweyne Farmaajo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this