Sign in to follow this  
Deeq A.

(Sawirro) Wasaaradda Haweenka Puntland oo xustay Maalinta Haweenka Aduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe ayaa waxaa Maantay ka dhacday Munaasabad balaaran oo lagu xusayey Maalinta Haweenka Aduunka oo sanad kasta caalamka laga xuso 8-da Maarso,waxaana Munaasabadda soo qabanqaabisay Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska.

Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxweyne kuxigeenka Puntland,Gudoomiyaha Baarlamaanka ,Qaar kamid ah Golaha Wasiiradda Puntland,Haween ka kala yimid dhamaan gobaladda Puntland,saraakiil ka socotay hay,adaha daneeya arimaha Haweenka,hobalada waabari iyo Marti sharaf kale oo lagu casumay xuska Maalinta Haweenka Aduunka.

Kooxda Hobaladda waabari ayaa munaasabadda kasoo jeediyey Riwaayado kala duwan iyo Heeso ka turjumayey qiimaha ay leeyiin Haweenka Soomaaliyeed iyo Tacdiyada ay la kulmaan sida Kufsiga iyo gudniinka Fircooniga ah.

Gudoomiyaha ururada Haweenka Puntland Khadro Warsame Jaamac oo kulan ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka Puntland ay midaysan yihiin iyagoo xafladaan si wadajir ah uga soo qaybgalay.

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Maryan Axmed Cali ayaa hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka Puntland,waxaana ay tilmaantay in Wasaaradda Haweenku  ku tilaabsatay horumar balaaran oo ay hormuud u yihiin Haweenka Puntland.

Wasiirka Haweenka Puntland Maryan Axmed Cali ayaa kula dardaarantay  Haweenka Puntland inay iskaashadaan oo ay mideeyaan dadaalkooda ku aadan sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa ku amaanay Wasaaradda Haweenka Puntland dadaalka dheer ee ay ku bixisay horumarinta Haweenka Puntland,waxaa sidookale uu ugu baaqay Haweenka Puntland in xuuquuqda ay ku leeyihiin Baarlamaanka 2019 ay ku si geesinimo leh ku raadsadaan.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay  oo asna Ka Qeybgalay Munaasibadaasi waxaa uu ku tilmaamay inay tahay maalin qiimo weyn, islamarkaana la xusayo doorka muhiimka ah ee Hooyada Soomaaliyeed ku leedahay qoyska dhexdiisa.

Maalinta haweenka ee 8 Maarso ayaa leh taariikh fog, oo ka soo bilaamata qarnigii 19-aad, waxaana maalintaan laga xusaa caalamka iyo gayiga Soomaalida iyadoona si weyn maantay looga xusay Magaalada Garoowe.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

IMG_0064.jpg IMG_0065.jpg IMG_0066.jpg IMG_0070.jpg IMG_0073.jpg IMG_0074.jpg IMG_0075.jpg IMG_0076.jpg IMG_0077.jpg IMG_0078.jpg IMG_0080.jpg IMG_0081.jpg IMG_0083.jpg IMG_0084.jpg IMG_0085.jpg IMG_0088.jpg IMG_0091.jpg IMG_0092.jpg IMG_0094.jpg IMG_0095.jpg IMG_0096.jpg IMG_0098.jpg IMG_0099.jpg IMG_0100.jpg IMG_0101.jpg IMG_0102.jpg IMG_0108.jpg IMG_0110.jpg IMG_0112.jpg IMG_0114.jpg IMG_0115.jpg IMG_0116.jpg IMG_0118.jpg IMG_0120.jpg IMG_0122.jpg IMG_0123.jpg IMG_0125.jpg IMG_0126.jpg IMG_0128.jpg IMG_0129.jpg IMG_0132.jpg IMG_0134.jpg IMG_0136.jpg IMG_0137.jpg IMG_0139.jpg IMG_0141.jpg IMG_0143.jpg IMG_0144.jpg IMG_0145.jpg IMG_0146.jpg IMG_0147.jpg IMG_0148.jpg IMG_0149.jpg IMG_0151.jpg IMG_0153.jpg IMG_0154.jpg IMG_0160.jpg IMG_0161.jpg IMG_0162.jpg IMG_0164.jpg IMG_0171.jpg IMG_0172.jpg IMG_0174.jpg IMG_0176.jpg IMG_0177.jpg IMG_0179.jpg IMG_0182.jpg IMG_0183.jpg IMG_0186.jpg IMG_0190.jpg IMG_0194.jpg IMG_0195.jpg IMG_0198.jpg IMG_0202.jpg IMG_0209.jpg IMG_0231.jpg IMG_0232.jpg IMG_0238.jpg IMG_0243.jpg IMG_0248.jpg IMG_0251.jpg IMG_0256.jpg IMG_0259.jpg

Puntlandi.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this