Sign in to follow this  
Deeq A.

Gollaha wasiiradda Puntland iyo madaxweyne Gaas oo ka shiray arrimaha amniga iyo Abaaraha.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland iyo Xaaladda Abaaraha Puntland.

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa caddeeyay in amniga Puntland uu wacan yahay guud ahaan marka laga reebo dhibaateynta joogtada ah ee ay ku hayaan kooxaha argagixisadu umadda Soomaaliyeed guud ahaan.

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa maanta si dheer uga dooday xaaladda Abaaraha ee kusoo jawahan Puntland, waxayna goluhu caddeeyeen in Puntland ay kusii siqeyso waqtiyadii adkaa ee Abaaraha, waxaana hadda ay saameyn ku samaysay Abaartu dad gaaraya 1.6 milyan oo reer Puntland ah iyo 234 deegaan oo ka kala tirsan 9 gobol ee Puntland, waxaana hadda gaaray xaalad adga 103.000 qoys, sidaa darteed loo bahan yahay in si wadajir ah loogu istaago xaaladaas haddii uusan allaah raxmadiisa shubin

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa golaha u sheegay in loo diyaar-garoobo xaaladda Abaarta, isla markaana la jiheeyo dhammaan qorsheyaasha wax looga qabanayo Abaarta, wuxuuna Madaxweynuhu u sheegay shacab­ weynaha Puntland gudo iyo dibed-ba in loo diyaar-garoobo xaaladda Abaarta haddii uu yaraado ama la waayo Roobka gugga ee la filayo haddii Allaah idmo, wuxuuna Madaxweynuhu iskugu yeeray wasaaradaha u qaabilsan Dawladda arrimahaan iyo hay’adaha ka shaqeeya xaalada Bini’aadantinimadda  Soomaaliya.

IMG_3222.jpg

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this