Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo beeniyay in dumarka Puntland kaalin hoose kaga jiraan arrimaha siyaasada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo udiray haweenka Somaaliyeed gaar ahaan haweenka Puntland, kuwaas oo maanta udabaal dagaya maalinta caalamiga ah ee haweenka aduunka e 8 Maarso.

Madaxweyne Gaas ayaa haweenka ku ammaanay inay kaalin muhiim ah kaga jiraan horumarinta bulshada, wuxuuna sheegay inay dowladdiisa door wanaagsan kaga jiraan ,marka loo eeego tirada Dumar ee ku jira xukuumadiisa ama hay’addaha dowladda.

Waxaa uu madaxweynuhu beeniyay baaritaan BBC-du sameysay oo ku saabsan in Puntland kamid tahay degaanada lagu dulmiyo dumarka inay kaalin wanaagsan ka ciyaaraan arrimaha siyaasada, isagoo tusaale ahaan usoo qaatay inay yihiin maamulka kaliya ee soo dirsaday tirada ugu badan dumarka u matala labada aqal ee barlamaamka.

Hadalkaan ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-Soomaali.

 Piuntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this