Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING:- Qaraxa Miino Oo lagu Dilay Wasiir iyo Xildhibaan katirsan Maamulka Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru-dowlahii amniga ee Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya mudane  C/qaadir  C/raxmaan Cali iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax  oo loo yaqaanay Kabaweyne ayaa Qarax miino waxaa lagula eegtay  degmada Wala weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose  gaari ay saar naayeen xili ay ku sii jeedeen Magaalada Muqdisho .

 

Wasiirkan iyo Xildhibaankan Qaraxa uu haleelay oo  kawada  tirsanaa Maamulka koonfur Galbeed ayaa halkaasi durbadiiba  ku dhintay .

Sidoo kale wararka  ayaa sheegay in Qaraxan ay ku dhaawacmeen  labo askari oo ka mid ahaa ilaalada Mas’uuliyinta Qaraxan ku dhintay .

 

Alaha unaxariistee labada Mas,uul ayaa Garoonka Magaalada Bali doogle ku kulmay ka hor inta uusan Qaraxan haleelin Madaxeynaha  Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Saraakiil ka socotay Ciidamada Maraykanka oo ku sugnayd  Garoonka bali doogle  halkaas oo looga hadlaayay kulan ku saab sanaa Amaanka deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidii Al-shabaab looga xorayn lahaa gobolada ay ku sugan yihiin .

 

Kooxda Al-shabaab ayaa Warbaahintooda ku soo qoray in ay Qaraxa Mas,uul ka ahaayeen , waxaana ay sheegeen in bar tilmaameedkooda uu ahaa  Wasiirka iyo Xildhibaanka ayna la socdeen xiligii ay ku soo wajahnaayeen goobta Miinada loogu Aasay.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this