Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir iyo Xildhibaano ku Geeriyooday Qarax Miino Duleedka Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

War Deg Deg ah oo hadda naga soo gaaraya Gobollka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qarax Miino oo ka dhacay Duleedka Degmada Wanla weeyn ee Goobolka Sh/Hoose ay ku dhinteen wasiir iyo Labo Xildhibaan.

Qaraxaan Miino ayaa waxa uu haleelay Gaari ay wateen Masuuliyiintaan oo ka amba baxay Degmada Wanla Weeyn ee Gobolka Sh/hoose.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali Baraf  Sidoo kalena ahaa Xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Xildhibaan  Axmed Cabdi Faarax oo isna katirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hir Shabelle.

Labadaasi masuul ayaa ahaa isku beel sida wararku ay sheegayaan kuwaasi oo socdaal ku marayay Gobolka Sh/hoose.
Al-Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada weerarakaasi iyaga oo sheegay in ay qaarijiyeen masuuliyiin xilal ka hayay Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir Shabelle.
Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho

The post Wasiir iyo Xildhibaano ku Geeriyooday Qarax Miino Duleedka Wanlaweyn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this