Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Caruuta ku xaraysan Xarunta dhaqan celinta darbi jiifka Bosaaso Oo Baaq u diray Dowladda iyo Ganacsatada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Bosaaso waxaa ku taala xarun wax lagu baro laguna dhaqan celiyo Caruurta darbi jiifka ah ee aan waalidka lahan .

Xaruntan ayaa lagu magacaabo Macadka Ismaaliga ah ee Tarbiyada Caruurta (ISLAMIC ORPHAN COLLEGE)

 

Xaalada caruurta ku xaraysan xarunta  dhaqan celinta  ee Ciyaalka Darbi jiifka ah ee Magaalada Bosaaso ayaa la ga soo deerinayaa, ka dib markii  ay soo wajahday daroofo  nololeed , waxaana Caruurtan caawin jiray Culimada Magaalada iyo qaar ka mid aha ganacsatada Bosaaso .,balse maalinba maalinta ka dambaysa waxaa soo kor dhaya caruuta darbi jiifka ah ee xeradan lagu soo xareeyo ,taas oo keentay in ay Culimadii gacanta ku haysay xaruntan ay dabooli kari waayaan baahida ka jirta Xaruntan.

 

Macadka ayaa waxaa la  Aasaasay sanadkii 2009 kii ,waxaana Mudadii uu jiray ka qalin jabiyay dhalinyaro gaaraysa ku dhawaad 600 oo qof.kuwaas oo qaar kood shaqooyin ka helay Hay,adaha dalka ka shaqeeya.

Macalimiinti wax ka dhigi jirtay ayaa isaga tagtay Xaruntan ka dib Markii ay waayeen mudo wax  Mushahar ah .

Sharmaarke Cabdi Cali waxa uu bare ka yahay Macadkan , waxa uu kamid ahaa Ardaydii lagu Aasaasay 2009 kii , mudadasi wixii ka dambeeyay Sharmaarke Noloshiisa waxbadan ayaa iskabadalay maadama uu uu kamid ahaa  Caruurta darbi jiif ahayd .

Sharmaarke hada waa nin  heer jaamici ah kana dhisan dhanka diinta iyo maadiga labadaba waxa uu kawaramaya xaalada  Caruutan ay ku sugan yihiin iyo baahida ka jirta Xarunta  uu baraha ka yahay .

Halkan ka dhagayso .

kala xiriir hadii aad doonayso in aad caawiso Caruurtan Tel-+252 907722623 ama  +252 907346819.

      DR0000_0175.mp3

Halkan ka daalaco Sawirrada.

IMG_1498-1.jpg IMG_1500.jpg IMG_1501.jpg IMG_1503-1.jpg IMG_1504.jpg IMG_1505.jpg IMG_1506.jpg IMG_1507.jpg IMG_1508.jpg IMG_1509.jpg

 

 

IMG_1435.jpg IMG_1439.jpg IMG_1440.jpg IMG_1485.jpg IMG_1494.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this