Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo sheegay in doorashada Puntland xilligeeda la qabandoono

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa maanta markii ugu horraysay sheegay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu qabanayo wakhtiga loogu tala-galay,isagoo beeniyay warar soo baxay oo tibaaxayay in uu mudda-kororsi samayn doono.

Madaxweyne Gaas oo wareysi siiyay BBC Somali ayaa caddeeyay in doorashada madaxtinimada lagu qaban doono wakhtigeeda oo ah 8 bisha Jennaayo ee sannadka 2019,wuxuuna gebi ahaanba beeniyay hadallo dhowaan ka soo yeeray niman siyaasiyiin ah oo madaxweyne Gaas ku eedeeyay in uu muddo kororsi raadinayo.

Siyaasiyiin la baxay”Puntland Focus Group” oo qaarkood ay xilal ka soo qabteen xukuumadihii Puntland soo maray ayaa horay u sheegay in madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali uu qorshaynayo mudda-kororsi,waxayna uga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta,haddii arrintaasi dhacdo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Gaas oo sheegay in doorashada Puntland xilligeeda la qabandoono appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this