Sign in to follow this  
Deeq A.

Isimo iyo Cuqaal ku Baxday Beelo ku dagaalamay Gobolka Cayn

Recommended Posts

Deeq A.   

Isimada dhaqanka , Nabadoonada  iyo Cuqaasha ku dhaqan Degmada Buuhoode lee Gobolka Cayn ayaa maanta ku baxay beelo ku dagaalamay  shalay iyo maanta galinkii hore deegaano ay ka mid yihiin  Gocandhaale, iyo Horufadhi  oo ka wada tirsan Gobolkaasi Cayn.

Dagaalkii dhexmaray labadaasi  Beelood ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay ilaa iyo Afar qof, ayna ku dhaawacmeen sadax qof oo kale oo labada dhinac ka wada tirsan .

Isimada dhaqanka iyo waxgaradka ku baxay halkaasi ayaa waxa ay ku howlan yihiin daminta  colaadaasi dib uga soo cuboonaatay deegaankaasi , iyagoona ku guulaysaty odayaasha  in Malayshiyadii isku horfadhiday  Gocondhaale iyo Horufadhi ay kala qaadaan.

 

intabadan dagaal Beeleedyada  dhexmara Soomaalida ayaa waxa ay salka ku hayaan Aanooyin Qabiil , Xoolo lakala dhaco ,iyo dhul daaq simeed laysku qabsado  , taas oo keenta in ay dad badan ay ku dhintaan .

Daba yaaqadii sanadkii 2017 kii ayay ahayd markii Beelahan haatan ku dagaalamay deegaankaasi  lagu heshiisiiyay ,lamana oga sababta soo cusboo naysisay colaadan .

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this