Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Waraysi:- Maxaa Sabab u ah in dhalin yarada Shaqooyinka ku Haysta dalka ay Tahriibaan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Tahriibta ayaa ah aafo qaran taas  oo ay naftooda ku waayaan dhalinyaro fabadan oo Soomaaliyeed oo  dalka ka tahriibay ,kuwaas oo qaar kood dalka ku dhamaystay  wax barashadooda Jaamacadeed mudadii dalka uu ku jiray bur burka .

Qoysas fara badan oo  Soomaaliyeed ayaa ubadkooda  ku waayay  Tahriibta, ku waas oo ku dhintay Saxaraha u dhaxeeya liibiya iyo Talyaaniga  , halka qaar koodna ay gacanta ugu jiraan magafaha liibiya oo u haysta lacago madax furasho ah .
Qaar ka mid ah dhalinyaradaasi  dalka ayay dib ugu soo laabteen  ka dib markii wali diintooda ay ku soo furteen lacago farabadan oo sababtay in ay u gadaan waalidiintaasi ubadkooda guryihii ay degenaayeen.
Hadaba Maxay tahay dhibaatada keenta? ama sababta  in ay dhaliyarada Aqoonta leh iyo kuwa dalka shaqooyinka ku haysta ay u hanqal taagaan wadamo shi sheeye , naftoodana ay ugaliyaan halista ka jirta wadada loo maro Yurub?
Su,aalahaasi iyo kuwo kale ayaan  waxa ay Warbaahinta Puntlandi  hor dhigtay Barqad Cartan Gurxan oo ka tirsan Hay,ada MRC oo ka sahaqaysa Arimaha ladagaalanka Tahriibta.
      Barqad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this