Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Jawaab ka bixisay Amarkii Al-shabab ku soo rogtay Garoomada Ciyaaraha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay wararka sheegaya in Alshabab ay qaar ka mida degmooyinka Muqdisho mamnuuceen ciyaarta kubadda Cagta.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya inaysan horumarinta isboortiga u joojin doonin hadalka Al-shabab iyo amarrada ay ku soo rogayaan goobaha lagu ciyaaro, isla markaana aanay waxba ka qaadi karin dadka Muqddsho.

Milkiilayaasha Garoomada sallaxa ah ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa Alshabab ay ku amreen in la joojiyo ciyaaraha kubadda Cagta. Wasiirka Dhalinyarrada iyo isbootiga Khadiijo Maxame Diiriye ayaa sheegay in Alshabaab aysan awood u lahayn inay amarro ka fuliso Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Dowladda Soomaaliya oo Jawaab ka bixisay Amarkii Al-shabab ku soo rogtay Garoomada Ciyaaraha Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this