Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Duqa Cusub Ee Bosaaso” Cid Alla Cidii Gacanata ku Haysa Gaadiid, Ama Hanti ay leedahay Dowlada Hoose Waa in ay 24 Saac Gudahood ku keentaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa cusub ee kumeel gaarka ah ee degmada Bosaaso  C/salaan Bashiir C/salaan  ayaa sheegay in mudada kooban ee uu joogo ay u qoon daysan tahay in sida ugu dhaqsaha badan uu  ku soo dhisi doono  gole deegaan oo ka duwan gole yaashii hore, laguna soo xuli doono aqoon  iyo cadaalad .

Waxa uu sheegay Wasiir C/salaan oo ah  Duqa degmada Bosaaso  in cid ala ciidii u diyaar ah in ay ka mid noqoto golaha deegaanka ay  soo dha weynayaan .

Waxa uu sheegay in ay qaban doonaan doorasho xor ah oo xalal ah oo aan lahayn wax musuq maasuq ah, odayaasha  soo xulaya  xubnaha golaha deegaanka  ayuu ku war galiyay Duqa  in aysan ka yeeli doonin in cid aan uqalmin ay soo saaran oo laga dhigo gole deegaan.

Waxa uu sheegay in cidkasta oo soo saxiixda xubin ka mid ah  golaha deegaanka oo aan uqalmi shacabka Bosaaso ay san ka yeeli doonin .

Waxa uu sheegay in cid kasta oo lagu qabto Musuq maasuq oo ka tirsan  dowladda hoose ee  Bosaaso banaanka looga saari doono iyadoo aan cidna lagala tashan doonin.

Duqa Cusub ee Bosaaso C/salaan Bashiir ayaa  mudo 24 saac gudaheed ugu baaqay in ay ku keento cid kasta oo gacanta ku haysa hadntida dowladda ,hadii kale talaabo shriciga waafaqsan laga qaadi doono.

Hadalkan ayuu  ka sheegay  munaasibad uu xilka kula wareegay Maalinimadii shalay .

Halkan ka dhagayso  Duqa Cusub ee Bosaaso ahna Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland C/salaan Bashiir.

      Duqa Cusub ee Bosaaso

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this