Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Duqii Hore Ee Bosaaso Yaasiin ” Bosaaso 31keeda Xildhiban Ee yimaada Markasta Waxaa lagu Soo Xulaa yuusan Caawa dabka ubaxaynin Gurigiisa Ee laguma soo Xulo Magaalada dareen Ma uqabaa ,Waxay noqotay Timir xabaal Taala

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqii hore ee degmada Bosaaso injineer Yaasiin Mire ayaa shaaca ka qaaday sababta keentay  in ay iska hor yimaadaan isaga iyo Golihii deegaanka ee degmada Bosaaso  oo markii dambe  uu Madaxweynaha  kala diray .

 

Yaasiin Mire ayaa sheegay in caqabadii ugu horaysay ee ka hortimid mudadii  labada sano ahayd ee uu xilka hayay ay ahayd 31 kii  xil dhibaan ee  laka ladiray oo ay soo wada shaqeeyeen , kuwaas oo uu ku sheegay in lagu soo xulay baahi ka jirtay guryaha ay ka soo toosaan , balse  aan lagu soo xulin  dareen iyo wadaniyad ay ugu adeegaan shacabka Bosaaso.

 

Yaasiin Mire aya yiri”Duq walba oo yimaada oo gole deegaan ah Xafiiska markii uu tago  subixii waxaa hor yaala warqad shidaal ah mid guno Caafimaad ah, iyo adeegyo kale hadii uu diidana  waa af salax ku dhag,  hadii uu aamusana dawcwad iyo dood kama  marna meesha ayuu yiri Yaasiin Mire.

Waxa uu ku baaqay  gaba gabadii  in Xildhibaanada dambe ee iman doona laga fiirsado xubnaha la soo xulayo ee matalaya golaha deegaanka ee degmada Bosaaso.

Magaalooyinka Bosaaso iyo Gaalkacyo ayaa ah Magaalooyinka ugu badan ee uu khilaafaad ka soo kala dhex galo  Duqa iyo  Golayaasha deegaanka taas oo keenta in  uu dib udhac ku yimaado  Mashaariicdii hor umarineed ee degmooyinkaasi ka socday.

Hadalkan ayuu ka sheegay xili shalay uu si toos ah uu xilkii ugu wareejiyay Duqa cusub ee ku meel gaarka ah .

Halkan ka dhagayso hadalka Yaasiin Mire Duqii hore ee Bosaaso.

      Yaasiin Mire Duqii hore ee Bosaaso

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this