Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal mar kale maanta ka qarxay degaannada Horufadhi iyo Gocondhaale Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal ayaa markale goor dhoweyd dib uga qarxay degaannadii shalay beeluhu ku dagaallameen ee Horufadhi iyo Gocondhaale oo u dhexeeya magaaloyinka Buuhoodle iyo Caynab ee Puntland.

Dagaalka haatan socda oo aan weli faahhaahin dhammaystiran laga hayn,ayaa wararku sheegayan in uu dhaawac culus ka soo gaaray mid kamid ah ragga hoggaaminaya malayshiyaadka beelaha ee ku dagaallamay halkaasi.

Nabadoonno,Cuqaal, iyo Waxgarad ka baxay  magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa iminka ku sii jeeda degaannada mashaqadu ka socoto,si ay uga qeyb qaataan joojinta dagaalka,islamarkaana u kala dhexgalaan beelaha walaalah ah ee dagaallamaya.

Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland Post

The post Dagaal mar kale maanta ka qarxay degaannada Horufadhi iyo Gocondhaale Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this