Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayuu Guddoomiye Jawaari u arkaa xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), ayaa si adag uga hadlay xirnaanshiyaha Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in la xiro waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in Hay’adaha amaanka laga doonaayo inay ka fiirsadaan waddooyinka dhagxaanta lagula ordaayo.

‘’Suuragal maaha in goortii ay wax dhacaan gabi ahaan la xiro waddooyinka, waddooyinka al-Shabaab keliya ma isticmaalan ee waxaa isticmaala shacabka’’

‘’Haddii la xiro waddooyinka waxa ay dhiirigalineysaa al-Shabaab oo dagaal kula jira dowlada, waxaan sidaa aawgeed Hay’adaha amaanka ugu baaqeynaa inay xal kale raadiyaan oo aan aheyn waddo xirasho’’

Waxa uu sheegay in Qaraxyada ay dhacaan iyadoo ay xiran yihiin waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, waxa uuna su’aal ka keenay sababta looga hortagi la’ yahay Qaraxyada xili waddooyinka laga xirtay shacabka.

Isagoo Jawaari sii wata hadalkiisa ayuu sheegay in ilaalinta hantida iyo amniga Shacabka Soomaliyeed ay mas’uul ka tahay Xukuumada Somalia, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in arrintaas wax laga weydiin doono Xukuumada Somalia.

Xukuumada Somalia ayuu ugu baaqay inay la timaado qorshayaal cad cad oo lagu xaqiijinayo amniga dalka oo aan ahayn in wadooyinka shacabla laga xero.

Haddalka Jawaari ayaa imaanaya xili ay weli jiraan waddooyin badan oo ay xirteen ciidamada amaanka dowlada Somalia, halka qaarna la furo labadii saacba mar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Sidee ayuu Guddoomiye Jawaari u arkaa xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this