Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo Su’aalo laga weydiiyay Duqeymaha ka dhaca Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xubnaha Guddiga Ciidamada ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa su’aalo la xiriira dagaalka uu Mareykanka kula jiro al-Shabaab ka weydiiyay Taliyaha Ciidanka Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM General Thomas.

General Thomas, ayaa waxaa su’aalo dhanka amaanka ah laga weydiiyay howlgalada uu Taliska AFRICOM ka wada Somalia, waxa uuna si qoto dheer uga jawaabay su’aalaha.

General Thomas, waxa uu sheegay in ciidamada cirka iyo kuwa dhulka Mareykanka ay wadaan Howlgalo lagu maja xaabinaayo al-Shabaab iyo qeybaha kale ee argagixisada.

General Thomas, waxa uu sheegay in Howlgalka ay ka wadaan Somalia uu mid ka yahay dadaalada caalamiga ah oo lagu caawinayo Somalia.

Waxa uu Generaalku sheegay in duqeymo ay ka fuliyeen Gobolada Jubbooyinka iyo Sh/Hoose, iyo dagaalka lagula jiro al-Shabaab, uu yahay mid mirro dhalay, waxa uuna cadeeyay in lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad hubeysnaa.

Wuxuu intaa raaciyay in lagu burburiyay Saldhigyo dhowr ah oo ay lahaayen argagixisada Somalia iyo kuwa kale ee Afrikaanka ah, balse ma uusan cayimin tirade Saldhigyada ee lagu guuleystay burburintooda.

Generaalka waxa uu ku celcelshay in wali ay taagan tahay Awooda dagaalamayaasha al-Shabaab, wuxuu tusaale u soo qaatay weeradii al-Shabaab ay ka fuliyeen Isgoyska Zoobe ee dhacay sanadkii tagay 2017-da, iyo qaraxyo kale oo ka dambeeyay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

General Thomas, oo arrintaas ka hadlaayay ayaa yiri “Ma dhahayo qatar way dhamaatay laakiin inaga oo ku saleyneyna qaar ka mid ah howlaha aan qabanay oo ay barbar socdaan wada shaqeynta saaxiibadeena kale ee caalamka ayaan waxa aan dhihi karnaa taasi waxa ay sababtay in Shabaab ay maamulaan dhul yar, 14-kii October waxaa jiray qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho’’

Sidoo kale, wuxuu sheegay duqeymihii ay ka fuliyeen Goboladaasi ay dhamaan ay la bartilmaameesadeen xubno sar sare iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Wuxuu intaa raaciyay in maleeshiyada al-Shabaab ay weli qatar ku yihiin Somalia iyo Gobolka, isaga oo carab ***** inay suuragal tahay in xiligaan uu saro kaco dagaalka ay kula jiraan Dowlada Somalia.

Xubnaha Guddiga Ciidamada ee Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaa soo dhaweeyay hanaanka uu Taliska u wado howlgalada ka socda Somalia iyo guud ahaan Gobolka.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM General Thomas Waldhauser ayaa dhanka kale tilmaamay in ay sii wadi doonaan Duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Duqeymahaasi ay ku taageerayaan Dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo Su’aalo laga weydiiyay Duqeymaha ka dhaca Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this