Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska AMISOM oo digniin kasoo saaray weeraro ay damacsan yihiin Xagjiriinta Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ee Somalia ayaa digniin kasoo saaray weeraro la sheegay inay damacsan yihiin  maleeshiyaadka al-Shabaab.

Taliska ayaa sheegay in weeraradaasi xoogooda ay noqon doonaan kuwo loo adeegsado Qaraxyo miino iyo kuwo toosa, waxa ayna ka digeen in la sahalsado digniintooda.

Saraakiisha Taliska ayaa sheegay in weerarada ay kamid yihiin kuwo dhabagal ah oo waddooyinka loogu galaayo gaadiidka ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM.

Waxa ay tilmaameen in weerarada ay iminkaba yihiin kuwo qorsheysan oo la doonaayo in lagu wiiqo awooda Hay’adaha amniga ee ku howlan xaqiijinta amniga dalka.

Gaashaanle Dhexe Wilsom Rono oo kamid ah Saraakiisha ciidamada AMISOM, ayaa sheegay inuu soo dhamaaday qorshaha ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku xoojin lahaayen weerarada ay ku qaadan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale, Gaashaanle Dhexe Wilsom Rono, ayaa ka digay in maleeshiyada al-Shabaab ay weeraro dhabagal ah ku qaadan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee la doonaayo inay qaadan howlgalada.

Dhinaca kale, AMISOM ayaa dowlada Somalia uga digtay inay muujiso habacsanaan dhanka amaanka ah, waxa ayna xaqiijiyeen inay jiraan weeraro qorsheysan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Taliska AMISOM oo digniin kasoo saaray weeraro ay damacsan yihiin Xagjiriinta Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this