Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo sheegay in wali ay taagan tahay Awooda Al-shabaab iyo duqeymaha oo la sheegay inay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Taliyaha howlgalka ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo Africom Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa shalay guddiga arrimaha ciidamada ee Aqalka Wakiilada ee Mareykanka uga warbixiyay howlgallada ka dhanka ah-Al Shabaab ee uu taliskiisu ka wado Soomaaliya.

Thomas D. Waldhauser wax uu sheegay in howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya uu qeyb ka yahay dadaalada Caalamiga ah ee lagu caawinayo Soomaaliya sibuu yiri  ay dadka Soomaaliyeed u dhameystirtaan dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa si gaar ah waxaa wax looga weydiiyay Howlgalka ay kawadaan Soomaaliya waxa uu sheegay Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya uu mid ka yahay dadaalada caalamiga ah oo lagu caawinayo Soomaaliya.

General Thomas ayaa soo hadal qaaday intii su`aalaha la weydiinayay Duqeymo ay ka fuliyeen Gobolada Jubooyinka iyo Sh/Hoose, iyo dagaalka lagula jiro dagaalamayaasha Al-shabaab, wuxuuna sheegay duqeymii ay ka fuliyeen Goboladaasi ay dhamaan ay la bartilmaameesadeen Xubno sar sare iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Wuxuu sidoo kale uu ku nuux nuux saday in wali ay taagan tahay Awooda dagaalamayaasha Al-shabaab, wuxuu tusaale u soo qaatay Weeradii Al-shabaab ay ka fuliyeen Isgoyska Zoobe ee dhacay sanadkii tagay 2017-da, iyo qaraxyo kale oo ka dambeeyay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM General Thomas Waldhauser ayaa dhanka kale tilmaamay in ay sii wadi doonaan Duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Duqeymahaasi ay ku taageerayaan Dowlada Soomaaliya sidii ay ugu adkaan laheed Al-shabaab iyo sidii ay u dhisan laheed Ciidamo sugo amaanka Dalka Soomaaliya.

Taliska AFRICOM ee Mareykanka u qaabilsan Howgalada Qaarada Afrika ayaa kordhiyay sanadkii tagay iyo sanadkaanba Duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee ka howlgalla Afrika gaar ahaan Soomaaliya ayaa ka taageera Ciidamada dowladda Soomaaliya dhinacyada tababarka iyo tasiilada,waxaa kaloo ay iska kaashadaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka fuliyaan Gudaha dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Mareykanka oo sheegay in wali ay taagan tahay Awooda Al-shabaab iyo duqeymaha oo la sheegay inay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this