Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Somaliland oo xabsiga dhigay Rag magaalada Hargeysa ku sameynayay Baasaboorka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Puntlandi) Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay 3 nin oo lagu eedeeyay inay magaalada Hargeysa ku sameyn jireen Baasaboorka Soomaaliya. Raggaan ayaa loo haystaa inay u shaqeynayeen saaraakiil hay’adda socdaalka Soomaaliya usoo magacowday waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee fadhigeedu yahay  Hargeysa.

Inkastoo saddexdan nin la xiray maalmo kahor hadana aqbaartooda waxaa la helay maalintii shalay kadib markii booliisku ay sheegeen inay hayaan rag Muqdisho lacago lagasoo siiyay si ay Hargeysa uga fuliyaan howlo qarsoodi ah oo uu kamid yahay sameynta Baasaboorka Soomaaliya.

Warbaahinta Hargeysa waxay qorayaan in sarkaalka loosoo magacaabay inuu barnaamijkaan ka shaqeeyo ay qaraabo dhow yihiin madaxweyne Muuse Bixi Cabdi. Waxaa kaloo dadka la xiray ku jira rag u shaqeynayay shakhsiyaad u shaqeynayay shirkadaha duulimaadka.

 Puntlandi.com

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this