Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgal culus oo ka socda magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska qeybta Booliiska gobolka Nugaal ayaa xalay iyo habeen hore  hawlgal culus oo lagu fiiqayo bacaha madow ee muraayadaha gawaarida lagu dhejiyo ka bilaabay xaafado kamid ah caasumadda dowladda Puntland ee Garoowe.

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu xir-xiraya dhalinyaro kooxo u abaabulan oo todobaadyadii u dambeeyay dhac iyo fowdo ka waday xaafadaha Waaberi,Horseed iyo Hodon ee magaalada Garoowe,kuwaasoo adeegsanaya gawaari muraayado madow lagu dhejiyay iyo mootooyin taarikadii laga fujiyay,sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska gobolka Nugaal.

Taliska Booliiska Nugaal ayaa u sheegay PUNTLAND POST in xalay oo keli ah la soo qabtay dhalinyaro badan oo ku hawlanaa dhac iyo fowdo ka socday xaafadaha Waaberi iyo Hodon ee Garoowe.

Dhinaca kale taliska ayaa sheegay in gawaari badan laga fiiqay bacaha madow ee muraayadaha lagu dhejiyo,waxaana gaadiidka laga fiiqay kamid ah qaar ay wataan mas’uuliyiinta dowladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Hawlgal culus oo ka socda magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this