Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA oo maanta soo saaraysa digniin heerkeedu sarreeyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa lagu wadaa in ay maanta sooo saarto digniin cusub oo ku aaddan khatarta ka soo wajahan abaaraha daba-dheeraaday ee ka jira degaannada Puntland cudurro laga soo sheegayo meelaha qaar.

Maareeyaha hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdillaahi Cabdiraxmaan Ceerow ayaa la filaya in uu soo saaro digniinta oo ku socota degaannada miyiga ah ee Puntland,gaar ahaanna meelaha ay abaartu ku daba-dheeraatay ee dadkii iyo duunyaduba aadka u liitan.

Sidoo kale digniintan ayaa looga hadli doona shirka golaha Wasiirada Puntland ee Khamiista berri ah sida ay xogta ku heshay PUNTLAND POST.

Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland Post

 

 

The post Hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA oo maanta soo saaraysa digniin heerkeedu sarreeyo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this