Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha ka dhashay dagaal dhexmaray laba beelood oo reer Puntland ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay dagaal-beeleed shalay ka dhacay degaannada Horufadhi iyo Gocondhaale oo u dhexeeya magaaloyinka Buuhoodle iyo Caynab ee Puntland.

Dagaalka oo salka ku haya khilaaf ka dhashay degaanno lagu muransanyahay,ayaa la sheegaya in uu ka dhex bilowday malayshiyaad abaabulan oo reer miyi ah gelinkii dambe ee shalay,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Nabadonnada,Waxgaradka iyo culimada reer Puntland,gaar ahaanna kuwa ku sugan magaalada Buuhodle oo saaka la haday PUNTLAND POST ayaa sheegay in ilaa iyo haatan ay xasiloon yihiin degaannadii shalay lagu dagaallamay,balse laga cabsi qabo in uu markale dib u cusboonaado dagaalku.

Cuqaasha, Nabadonnada,Waxgaradka iyo culimada ayaa intaas ku daray in ay dadaal ugu jiraan sidii loo qaboojin lahaa colaaddaasi u dhexaysa labada beelood ee walaalaha ah,iyagoo kaashanaya mas’uuliyiinta iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda degaannadaasi.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net

The post Khasaaraha ka dhashay dagaal dhexmaray laba beelood oo reer Puntland ah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this