Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Maraykanka oo ku dhawaaqday in ka badan $100 malyan oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Arrimaha debadda Maraykanka,Rex Tillerson ayaa maanta ku dhawaaqay in ka badan $500 malyan oo Dollar,taasoo lagu caawinayo dadka ay abaartu saamaysay ee dalalka, Ethiopia, Somalia, South Sudan,Nigeria iyo sidoo kale waddamada ku teedsan harada Lake Chad.

Gargaarkan-lacageed ayaa lagu caawinaya dadka ku tabaaloobay colaadda iyo abaaraha ka jira dalalka kor ku xusan,waxaana si gaar ah loogu bixinayaa gaarsiinta biyo-nadiif ah,adeegyada caafimaadka deg degga ah iyo sidii cunto nafaqeysan ay u heli lahaayeen dadka nugul ee u badan carruurta iyo haweenka.

Sida ku cad qoraal ay soo saartay waaxda Arrimaha debadda, in ka badan $110 malyan oo kamid ah gargaarkaas ayaa lagu caawinaya dadka Soomaaliyeed ee ay sida xun u saamaysay colaadda iyo abaarta ka jirta gudaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Maraykanka oo ku dhawaaqday in ka badan $100 malyan oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this