Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Dastuurka oo Kulan Wada-tashi ah la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir_Dastuur_Muqdisho-1.jpg?resize=815%2Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Somalia, ayaa kulan wadtashi ah oo ku saabsanaa Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay talooyin ka dhiibteen hawlaha ay Wasaaradda wado.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in wadashaqeyn wanaagsan ay la yelato dhamaan dhinacyada ay hawsha kala dhaxeeyso.

“Markii aan xilka Wasaaradda la wareegnay waxa aan go’aan ku gaarnay abuuridda jawi wadashaqeyn oo aan la yeelanno hay’adaha dawladda ee an shaqo wadagga nahay, waxa aan aas-aasnay Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo sedexdii bilba mar shira waxaana kulamo wadastashi ah la qaadanay madaxda sare ee Dawlad Goboleedyada oo aan ku booqanay Goboladooda. Heshiis wadashaqeyn ayaanu la galnay labada Guddi ee hawsho inaga la dhaxeeyso marwalbana heshiishkaas waanu ilaalineynaa dhankeenna; wadashaqeyn iyo iskuduubni ayay marwalba Wasaaradda ku dedaalaysaa si dib-u-eegista Dastuurka loogu soo gabagabeeyo muddo sanad ah waxaana Gobolka Banaadir dhinacooda ka sugeynaa wadashaqeyn wanaagsan,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale Avv Xoosh isaga oo ka hadlayay muhiimadda Gobolka Banaadir u leeyahay dib-u-eegista Dastuurka ayuu yiri “Sida aad ogtihiin maqaamka Gobolka Banaadir waxaa lagu cadeeynayaa dib-u-eegista Dastuurka ee aan hadda wadno waana muhiim in Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir ay talooyinkooda ku biiriyaan Gedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka”.

Dhankiisa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) ayaa Wasaaradda uga mahadnaqay hawsha ballaaran ee ay Qaranka u hayso, si gaar ahna kulanka ay maanta la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir waxa uuna ballanqaaday in gobolku uu Wasaaradda ku garab istaagi doono hawsha ay wado.

Ugu dambayn, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxay talooyin u soo gudbiyeen Wasaaradda.

Shir_Dastuur_Muqdisho-2.jpg?resize=815%2 Shir_Dastuur_Muqdisho-3.jpg?resize=815%2 Shir_Dastuur_Muqdisho-4.jpg?resize=815%2 Shir_Dastuur_Muqdisho-5.jpg?resize=815%2

PUNTLAND POST

The post Wasaaradda Dastuurka oo Kulan Wada-tashi ah la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this