Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Jawaari.” Aqalka barlamaanka Soomaaliya lama dhisidoono illaa kuwii fiiqday ay ku waano qaataan.

Recommended Posts

Deeq A.   

20767999_1674825545892505_60564378014883

(Muqdisho (Puntlandi) Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Sh Cusman Jawaari ayaa lugu waydiiyay barnaamij toos ah uga ka baxay telefishinka dowladda su’aal ku saabsaneyd sababta dib loogu dhisi la’yahay Aqalka Baarlamaanka oo ay Xildhibaannada ku shaqeeyaan isagoo burbursan.

Guddoomiyaha barlamaanku wuxuu sheegay sababta dhismaha burburka xooggan uu ka muuqdo ay Baarlamaanka ugu shaqeynayaan inay tahay maadaama dadkii burburiyay oo fiiqday loo baahan yahay in ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan markale loo burburin,

Jawaari ayaa xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay,isagoo hadalkiisa wata wuxuu yiri “Biloowga sanadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahanyahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo doolar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milyan waa gaaraa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa oggolaatay in ay bixiso.”

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this