Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Guddoomiye ku-xigeenka Daacish ee Puntland ka howlgala

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) _ Dowladda Maraykanka ayaa dhowaan liiska argagixisada ku dartay hoggamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgasha Gobolka Bari ee degaanada Puntland.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu shaaciyey ku xigeenka hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Mahad Macallin lagu daray liiska shaqsiyaadka loo doonayo argagixisnimada ee nolol iyo geeri lagu raadinayo.

Ninkan ayaa la sheegay inuu Daacishta Soomaaliya ee Puntland u qaabilsan yahay fududeynta Saanadda iyo Hubka kooxda uga yimaada dalka Yemen, sida lagu sheegay qoraalka ay soo saartay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka.

Daacishta Soomaaliya waxaa hoggaamiya Sheekh C/qaadir Muumin oo hore uga mid ahaa hogaamiyeyaasha Al-shabaab, isagoo October 2015 ku dhawaaqay inuu daacad ku biiray Daacish, waxaana Mareykanka uu liiska argagixisada ku daray isla bishi xigtay wadaadka Cabdulqaadir Mu’min.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Guddoomiye ku-xigeenka Daacish ee Puntland ka howlgala appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this