Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo la sheegay in qeybo ka mid ah Muqdisho ay ka mamnuucayn Ciyaarista Kubadda Cagta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa soo saaray amar ay qeyba ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir uga mamnuucayn Ciyaarsita kubadda Cagta.

Milkiiliyaasha garoomada iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ee xaafadaha waqooyi ee gobalka Banaadir ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in amar kaan lala wadaagay dadka iskaleh Garoomada Salaxa ee lagu Ciyaaro kubadda Cagta kuwaas oo dhaqan geliyay amarkii Al-Shabaab ee soo baxay maalmo ka hor.

Dadka aan la hadalnay oo ka gaabsaday in aan adeegsano magacyadooda iyo Codkooda ayaa KNN u sheegay in degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa laga mamnuucay Ciyaarista Kubadda Cagta waxaana fariintaan lala wadaagay oo kaliya milkiiliyaasha Goormada Salaxa ee degmooyinka aan soo sheegnay.

Faah faahinta la helayo ayaa sheegaysa in Garoomada Ciyaaraha laga joojiyay ee ku yalaan wixii ka dambeeya wadda 30-ka ee magaalada Muqdisho, waxaana milkiiliyaasha qaar looga yeeray gobalka Shabeelaha Hoose xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin.

Al-Shabaab ayaa dadka iskaleh Goormada Kubadda laga joojiyay oo ay qaarkood la kulmayn ku qanciyay in aysan ka hor imaanin go’aanka ka soo baxay Al-Shabaab balse ay raadsadaan badalka oo ganacsi waxayna go’aankooda u cugsadayn in sharci darro tahay Ciyaaraha lagana keenay dhaqamo shi-sheeye.

Kulanka Al-Shabaab iyo Qaar ka mid ah Ganacsatada garoomada ayaa ka dhacay Degmada Toora-toorow ee gobalka Shabeelaha Hoose sida ay sheegayn ilo lagu Kalsoon yahay.

Amarka Al-Shabaab ayaa saameeyay wax ka badan ilaa 20 Garoon oo Fuustal ah kuwaas oo ku yaala Yaaqshiid, Kaaraan iyo degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.

Sidoo kale amarka ayaa saameeyay Boqolaal ka mid ah dhalinyarada Kubadda Cagta ee ku nool xaafadaha Garoomada laga mamnuucay waxaana sidoo kale dhalinyarada soo wajahay cabsi dhinaca amniga ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay degmada Heliwaa ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Garoomada la xiray mid ka mid ah uu leeyahay Mas’uuliyiinta degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir gaar ahaan xubnaha dhinaca Sports-ka ee degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugid Soomaaliya oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan amar-ka Al-Shabaab ee la dul-dhigay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Dhinaca Kale Xaafado ka mid ah degmada deyniile ee gobalka Banaadir ayaa laga mamnuucay Leerarka ama nalalka lagu dhajiyo banaanka Guryaha iyo waddooyinka mara xaafada ka mid ah degmadaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab ay jebiyeen leerar badan oo ku yaaala degmada Deyniile ee gobalka Banaadir,milkiiliyaasha iyo dadka kireesta qaar ka mid ah Guryaha degmada Deyniile ayaa sheegay in ay lagu amray in ay jebiyaan ama ay furaan leerarka banaanka ee degmadaasi.

Magaalada Muqdisho waxaa si buuxda gacanta ugu haayo Dowladda Soomaaliya balse dad badan ayaa aaminsan in Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin Xaafadaha waqooyi ee gobalka Banaadir, Dowladda Soomaaliya ayaa xil weyn iska saarin amaanka Guud ahaan magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa la sheegay in ay kaliya xooga saarto amaanka xaafado gaar ah oo ay dagan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda iyo goobaha ay ka agdhaw-yihiin Xarumaha Hayadaha Dowladda  iyo Saldhigyada Ciidamada Soomaaliya kuwaas oo ku yaala degmooyin Kooban.

Xigasho: Radio Kulmiye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Al-Shabaab oo la sheegay in qeybo ka mid ah Muqdisho ay ka mamnuucayn Ciyaarista Kubadda Cagta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this